Ciidamada Soomaaliya oo sheegay in 30 saacadood kadib ay soo gebagabeeyeen weerarkii Hotel Xayaat

Published: August 21, 2022
Shares510

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay jabiyeen maleeshiyaadkii weerarka ku qaaday hotel ku yaalla caasimadda, kadib dagaal maalin iyo habeen qaatay.

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay dagaalkaasi oo socday muddo 30-saacadood ah, inkastoo warbaahinta gudaha ay sheegayso in dhimashadu ay intaas ka badan karto.

Kooxda weerarka geysatay ayaa habeen hore oo Jimce ahayd u ​​adeegsaday walxaha qarxa si ay gudaha ugu galaan Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho ka hor inta aysan si buuxda gacanta ugu dhigin.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

“Ciidanka ammaanku hadda waa ay soo afjareen weerarka, ragii hubaysnaana waa ay dhinteen, ma jirto wax rasaas ah oo ka dhacay dhismaha saacadihii la soo dhaafay,” ayuu sarkaal magaciisa qariyay oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP sheegay.

Ciidamada amaanka ayaa ku adkaatay in ay gudaha u galaan dabaqa mudo saacado ah, sababtoo ah dableydan oo aan tiradooda la garaneyn ayaa la sheegay in ay sidoo kale bam ku burbiriyeen jaranjaradii loo mari lahaa.

Weerarkan ayaa noqday kii ugu muddada dheeraa ee Al-Shabaab ay ku qabsadaan hotel ama xarun kale, wuxuuna qaatay muddo 30 saac ah. 

Dowladda Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah faah faahin uga bixin khasaaraha guud ee ka dhashay weerarka iyo sida uu ku billaawday.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *