Ciidamadii diidanayaa Muddo kororsiga oo Muqdisho ka baxay

Published: May 7, 2021

Ciidamada Milatariga ee kasoo horjeestay talaabadii Muddo kororsiga Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ayaa maanta ka baxay magaalada Muqdisho.

Ciidamadan oo horey dhufeysyo uga sameystay Xaafado kamid ah degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa shalay lagu heshiiyay in ay ka baxaan magaalada Muqdisho ayna dib ugu laabtaan xeryahooda.

Wadooyinka qaar ee caasimadda Muqdisho ayaa lagu arkay gaadiidka dagaalka oo ay la socdaan Boqolaal askar hubeysan , kuwaasoo qorshohoodu yahay in ay dib ugu laabtaan fariisimihii ay horey uga yimaadeen ee ku yaala gobolka Shabeelaha Dhexe.

Shalay ayay ahayd markii Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Xukuumadda uu shaaciyay in la qaadayo Dhufeysyada ciidamadan ay ka sameysteen Xaafadaha Siigaale Barmuudo iyo halka loo yaqaan Mirinaayada si isku socodkii gaadiidka dib loogu soo celiyo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Waxaanu Maaha ciidan qaran ee waa ciidan qabiil Hawiye.
    Yaa qoray , yaa tabo baray , yaa dhaariyey, yey ciidan uyihiin, hubka iyo magaca dhiga oo Ku noqda qabiil kiinii. Cid aamin idinku qabtaa ma jirto.

    Odawaa Maaha taliye ciidan Somalia
    Waa taliye qabiil.
    Nimanka badan we qabiil Ka Hawiye kasoo jeedaa Madax ma noqon karaan. Cid aamin Ku qabtaa majirto.
    Dadka badan ee Mogadishu lagu laayey waxaa laayey Qabiil Ka Mogadishu gacanta Ku haya, si marna aan loogu soo noqon oo Mogadishu aysan Gacan kuhaynta Hawiye uga bixin