Ciidamadii ku dagaalamay Kaaran & Cabdicasiis oo diiday inay hubka dhigaan

Published: December 20, 2020

Dowlada Soomaaliya ayaa shalay iyo maanta waday hawlgalo lagu xaqiijinayo amaanka xaafadaha degmada Kaaraan iyo Cabdicasiis kadib dagaalkii shalay ka dhacay deegaankaasi oo ay ku dhinteen 10 qof.

Ciidamada ku dagaalamay deegaankaasi oo kakala tirsan kuwa Militariga iyo Maamulka Banaadir ayaa la sheegay inay isku heysteen dhul ku yaal Kaaraan, saraakiisha hogaamisa ayaa la sheegay inay diideen inay u hogaansamaan amarka Taliskooda oo ahaa inay hubka dhigaan.

Ciidamo ka tirsan Booliiska iyo Haramcad ayaa la geeyey qeybo kamid ah degmooyinka ay dagalaada ka dhaceen iyadoo laga cabsi qabo in markale ay dagaalamaan ciidamadan kasoo wada jeeda waqooyiga magaalada Muqdisho.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *