Ciidamo kala aragti duwan oo rasaas isku weydaarsadey caasimadda Puntland

Published: February 6, 2023

Subaxnimadii hore ee maanta ayaa dadka reer Garoowe ku waabariisteen dhawaaqa rasaasta culus oo ay is dhaafsanayaan isla ciidamada Puntland.

Habeenkii xalay waxaa magaalada soo galay cutubyo ka mid ah ciidamada uu hoggaamiyo Gen Jimcaale Takar, kuwaas oo aagag kala duwan xirtey, ciidamadan ayaa ka soo horjeeda doorashooyinka xisbiyada ee madaxweynaha Puntland qorsheynaayo in sanadkiisi ugu danbeeyey in uu Puntland ka qabto.

Waaberigii hore maanta oo Isniin ah ayaa hal mar rasaastu is qabsatey waxana ay ka dhacdey ilaa laba goobood oo loogu tala galay in ay ka diiwaangelintu ka dhacdo halkaas oo ciidamo kale ay ku sugnaayen.

Ilaa habeenkii xalay waxa Garoowe tegey ciidamo dheeraad ah, kuwaas oo uu wato taliyaha ciidanka Booliska Puntland Muumin Cabdi Shire.

Dhawaaqa rasaasta ayaa hadda yaraatey, lamana oga khasaaraha ka dhashey ilaa hadda.

Madaxweynaha Puntland ayaa daahfurkii diiwaangelinta ee magaaada Boosaaso ku sunaa Garoowe, halka uu hadda ku sugan yahay Boosaaso, mana cadda mowqifka uu ka qaadan doono xiisadda caasimadda Puntland ee garoowe.

Siyaasiyiintii horey ula soo shaqeeyey Madaxweynaha Puntland ee badankood ka soo jeedaan gobolka Nugaal ayaa si weyn uga soo horjeeda doorashooyinka xisbiyada.

Horseed Media