Ciidanka Ammaanka Muqdisho oo howlgal ku soo qabtay xubin ka tirsan Al-Shabaab

Published: May 14, 2023
Shares2

Hawgal ay Ciidanka Ammaanka Caasimadda Muqdisho ka sameeyeen Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa lagu soo qabtay xubin ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo dowladdu ku sheegtay in.

War kooban oo ka soo baxay dowladda ayaa in ninkan markii la soo qabanayey uu watay walxa qarxa.

Sidoo kale warka waxaa lagu sheegay in shaqsigan uu doonayay in uu ku weeraro Bar ay joogeen Ciidanka ammaanka.

Amniga Muqdisho ayaa ahaa mid soo hagaagayay bilihii la soo dhaafay, iyada oo Amniga guud ee Caasimadda lagu wareejiyay Ciidan Booliis ah oo u tababaran sidii Milateriga oo kale, kuwaas oo tababar ku soo qaatay dalka Uganda.

Horseed Media