Ciidanka Booliska Banaadir oo qabtey Nin “Hitman” ah oo dilka ku shaqeysan jirey

Published: August 11, 2023

Ciidamada Boolis gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigey nin ku shaqeysan jirey dilka (hitman) kaas oo lagu magacaabo Cabdulqaadir sida laga soo xigtey Booliska degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Maanta oo jicme ah ayuu diley nin ganacsade ah oo lagu magacaabo Isaaq Aadan Cali oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed, kaas oo ka soo baxay masaajid ku yaala degmada Hodan.

Xog ku dhaw ciidanka Booliska ayaa sheegaysa in ninkaani ahaa Hitman lacag lagu siiyo dilka, waxaana uu dilka ku qaatey $1000 kun dollar. Wararku waxay sheegayaan in ninkaan horey u diley nabadoon kale oo qaraabo la ahaa isla ganacsadaha maanta la diley, kaas oo la diley saddex maalmood ka hor, ma cadda in labadan kiis isku xirnaayeen iyo in kale.

Boolisku meesha kama saarin in ninkaani ka tirsan yahay Argagixisada al-Shabaab ee dilalka caynkan oo kale ah geysta, waxanaa dhici karta in uu yahay kuwa la kireysto.

Kiiskan oo kale ma ahayn in isla markiiba uu banaanka u soo baxo, waxaana meesha ka baxay soo qabashada kuwo badan oo ku lug lahaan lahaa kiiskan. Booliska Soomaaliya ayaa weli la daalaa dhacaya tababar xumo dhanka dembi baarista ah, taas oo kiis walba si degdeg ah uu ku soo gaarayo warbaahinta gaar ahaan baraha bulshadu ku xiriirto.

Horseed Media