![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/03/Gaari-Qarax-160322-1-1.jpg)
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kumaandooska Danab ayaa howlgal qorsheeysan ay ka sameeyeen degaannada Beer xaani iyo Gabdhoole oo qiyaasti 40 km u jira magaalada Kismaayo ku qabtay gaari nooca loo yaqaano Pro Box oo waxyaabaha qarxa ay kooxda nabadiidka Al-shabaab ku soo rareen iyagoo toogtay dhagar qabihii gaariga waday.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/03/Gaari-Qarax-160322-3.jpg)
Sidoo kale ciidanka waxaa ay dileen laba dhagarqabe oo maleeshiyaad Al-shabaab u qaabilsanaa qaraxyada dhulka lagu aaso iyagoo soo saaray sadax miino oo nabadiidka ay dhulka ku aaseen.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/03/Gaari-Qarax-160322-2.jpg)
Argagaixisada ayaa doonayay inay gaariga qaraxa ku waxyeeleeyaan shacabka magaalada kismaayo balse Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ka hortagay dhagartooda.