Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo dhoolatus Milateri ku soo bandhigay Turkiga

Published: February 3, 2022

Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Kumaandooska ee Gorgor ayaa dhoolatus ku saabsan hannaanka loola dagaalo argagaxisada ku soo bandhigay magaalada Isparta ee dalka Turkiga.

Ciidanka ayaa soo bandhigay sida argagaxisada loo ugaarsasado marka ay guryaha ku dhuuntaan iyo qaabka loo ciribtiro marka ay weeraraan goobaha dadka rayidka ay dagan yihiin.

farsamooyinka ciidanka ay barteen ayaa waxaa ka mid ah in argagaxisada lala dagaalamo, iyada oo dadka ay heystaan la badbaadinayo.

Ciidamada sida gaarka ah u carbisan ee Soomaaliya ayaa ah kuwo leh qibrad sare iyo xeelad dagaal, taas oo dhabarka ka jabisay argagaxisada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *