Ciraaq: Dad Caraysan oo Dab Qabadsiiyay Qunsiliyada Iiraan ee Magaalada Najaf

Published: November 28, 2019

Banaanbaxayaal caraysan oo ka soo horjeeda xukuumadda Ciraaq ayaa dab qabadsiiyay qunsiliyada Iiraan ku leedahay magaaladda Barakaysan ee Najaf ee koonfrta Dalkaasi Ciraaq.

Mid ka mid ah banaanabaxyaasha ayaa geeriyooday markii ay rasaas ku fureen ciidamadii Booliiska ee ilaalinayay qunsiliyada, 35 qof kale ayaa sidoo dhaawacyo soo gaareen kuwasoo xoog ku galay qunsiliyada ka dibna Calankii Iiraan ku bedelay midka dalkaasi Ciraaq.

Diplamaasiyiinta Shaqaalaha Iiran ee Qunsiliyada ayaa ka baxay dhismaha iyagoo badqaba, waxaana la arkayay qiic madow iyo dab ka holcaya dhismaha qunsiliyada Iiraan.

Dhinaca kale, Lix qof oo kale oo banaanbaxayaal ayaa lagu dilay mudaharadadii rabshadaha watay ee ka dhacay dalkaasi ciraaq, ka dib markii ciidamada ammaanku ay rasaas nool nool ku fureen banaanbaxayaasha.

Banaanbaxayaasha oo u badan dadka shiicada ee dalkaasi Ciraaq ayaa ka cabanaya musuqmaasuq ballaaran oo ka jira dalkaasi, adeegyadii asaasiga ee bulshada oo liita iyo sidoo kale shaqo la’aan baahsan oo dalkaasi ka jirta.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *