Cumar Sharmarke, Xassan Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo eedeyn culus u jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh

Published: March 30, 2024
Shares2

“..Madaxweynuhu wuxuu dalka u horseeday qalalaase iyo hubanti la’aan siyaasadeed, wuxuu qalqal geliyey geedi socodkii dib u heshiisiinta iyo dawlad dhiska, wuxuu dhaawacay is aaminaddii iyo kalsooni dhiskii ummadda, wuxuu dalka u sameeyey laba dastuur oo muran iyo mugdi gelinaysa sharciyadda Madaxweynaha iyo hay’adaha kale ee dastuuriga ah.

WAR-SAXAAFADEED
Tr: Maaro 30, 2024

Dastuurka dalkeenna ee ku meelgaarka ah wuxuu ka kooban yahay 15 cutub oo u qaybsan 143 qodob. Waxaa la isku raacsanyahay qabyo-tirka iyo dhamaystirka Dastuurka oo ay ugu muhiimsanyihiin;

  1. Maqaamka Caasimadda.
  2. Caddaynta awoodaha dowladda federaalka ah iyo dawlad goboleedyada.
  3. Qaybinta khayraadka iyo dakhliga dalka
  4. Xadaynta awoodaha garsoorka, maaliyadda iyo amniga labada heer federaal iyo Gobol.
  5. Dhisidda Maxkamadda Dastuuriga ah.

Wuxuu kaloo Dastuurku farayaa dhismaha guddiyo madaxbannaan oo xoojiya awoodda shacabka, tayeynaya hufnaanta iyo madaxbannaanida hay’adaha dowladda sida;

  • Golaha Adeegga Garsoorka,
  • Guddiga Xuquuqda Aadamiga,
  • Guddiga La dagaallanka Musqmaasaqa,
  • Guddiga Adeegga Baarlamaanka,
  • Guddiga Xudduudaha yo Federaalka,
  • Guddiga Isku-xirka Xukuumadaha,
  • Guddiga Qaranka ee Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka,
  • Guddiga Ammaanka Qaranka,
  • Guddigga Runta yo Dib-u-heshiisiinta,
  • Gardoonka/ Ilaaliyaha Dadweynaha.

Halkii uu Madaxweynaha mudnaanta ka siin lahaa hortebinta qoddobada qabyo- tirka dastuurka wuxuu beddelkeeda doorbiday dastuur cusub oo leh tilmaamihii tagtadii gaboodfalka ahayd ee ay awoodda xukunka hal gacan ku urursanayd, tartanka siyaasaddana uu garsoore ka yahay qofka talada haya, garoonka ciyaartana isagu leeyahay.

Madaxweynuhu wuxuu dalka u horseeday qalalaase iyo hubanti la’aan siyaasadeed, wuxuu qalqal geliyey geedi socodkii dib u heshiisiinta iyo dawlad dhiska, wuxuu dhaawacay is aaminaddii iyo kalsooni dhiskii ummadda, wuxuu dalka u sameeyey laba dastuur oo muran iyo mugdi gelinaysa sharciyadda Madaxweynaha iyo hay’adaha kale ee dastuuriga ah.

Waxaan si wadajir ah u qaadacnay dastuurka cusub, waxaanna aqoonsanyahay dastuurka KMG ah ee 15ka cutub iyo 143 qoddob ka kooban. Marna ma aqbalayno dastuurka loo beddelayo xaqiijinta damac gurracan iyo rabitaanka Madaxtooyada.

Waxaan shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u cadaynaynaa in masuuliyadda iyo caaqibo xumida ka dhalata dastuur bedelidda ay qaadayaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka.

Waxaan xusuusinaynaa in ay waajib ku tahay muwaadin ka hortaga saansaan waliba oo loogu noqonayo tagtadii xanuunka badnayd, laguna dhaawacayo midnimada iyo wadajirka dalka, wiiqaysa geeddi-socodka dib u heshiisiinta iyo dowlad dhiska.

1- Md. Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke
2- Md. Xasan Cali Kheyre
3- Xil. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Waraame