Daadad ku dhuftay Indonesia oo sababay dhimasho iyo dhaawac

Published: March 10, 2024
Shares4

Roobab mahiigaan ah oo maalmo socday ayaa daadad iyo dhul go’ ka dhaliyay gobolka Galbeedka Sumatra ee dalka Indonesia, taasoo qasabtay in laga daadgureeyo in ka badan 70,000 oo qof, halka ay ku dhinteen ugu yaraan 19, iyadoo todobo la la’yahay, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Burburkii daadadka tan iyo khamiistii la soo dhaafay ka dhacay caasimadda gobolka ee Padang iyo siddeed goobood oo kale ayaa burburiyay ku dhawaad ​​700 oo guri, buundooyin badan, iskuullo iyo 113 hektar (280 acres) oo dhul beereed ah.

Hay’adda samatabixinta ee Indonesia ayaa raadinaysa dadka la la’yahay, sida ay saraakiishu sheegeen, iyadoo 150 samatabbixiye loo diyaariyey gurmadka, kuwaas oo ay caqabad ku noqdeen waddooyinka xiran kadib dhul-go’yada.

“Baadigoobka maanta waxaa ku lug lahaa 150 shaqaale ah oo ka kala socda hay’adaha kala duwan ee musiibooyinka,” Abdul Malik, madaxa kooxda samatabbixinta ee gobolka, ayaa ku yiri hadal uu soo saaray.

Dadka la daadgureeyay ayaa isugu soo baxay masaajidda ugu dhow, ayuu yiri Abdul Muhari, oo ah afhayeenka wakaaladda musiibooyinka Indonesia ee BNPB, laakiin ma jirto hoy ku meel gaar ah oo la dhigay. Waxa ay heleen cunto, biyo iyo dawooyin, halka qaar kalena ay dib ugu noqdeen guryahoodii markii ay biyihii yaraadeen.

Horseed Media