Dacwadda saraakiil ku eedaysan musuq-maasuq ayaa Muqdisho ka bilaamatey

Published: July 20, 2023

Waxaa maanta si rasmi ah u bilowdey maxkamadeynta qaar kamid ah shaqaalihii hay’adda jinsiyadaha iyo socdaalka, kuwaas oo ku eedeysan in ay ku kaceen musuqmaasuq, waxaa soo eedeeyey xeer ilaaliyaha dowladda.

Denbiyada lagu eedeeyey saraakishan ayaa ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho mudadii u dhexeysey 2018 ilaa 2023, waxana lagu eedeeyey in ay qaateen lacag ku dhaw $20 milyan oo dollar o ay ahayd in ay ku xereeyaan khasnadda dowladda.

Eedaysanayaasha maxkamadda la horkeenay ayaa kala ah:

  1. Cabdullaahi Maxamuud Cosoble, agaasimaha waaxda socdaalka ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.
  2. Cumar Macallin Nuur, agaasime ku xigeenka waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.
  3. Saabir Xasan Cabdinuur, madaxa hubinta Viso kordhinta ee waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.
  4. Aadan Maxamed Cabdi, maamulaha qaadashada Visaha ee Viso kordhinta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Guddoomiyaha maxkamadda derajada kowaad ee gobolka Banaadir ayaa mid mid ugu akhriyey denbiyada xeer-ilaalintu ku so oogtey, taas oo isugu jirtey lacag toos ah oo la lunsadey, lacag dhaqid, been abuur dukumiintiyo iyo ku takrifal awoodeed.

Hay’adda socdaalka ayaa xuddun u noqotay baaritaanka kiisaska musuq-maasuq ee ay waddo dowladda federaalka, ayada oo la rumeysan yahay in lacagta ugu badan ee dowladda federaalka, laga lunsaday ay ku maqan tahay shaqaalaha sare ee hay’addaas.

Xafiiska xeer ilaaliyaha ayaa soo eedeeyey saraakiil gaareysa 15, kuwaas oo ku eedeysan musuqmaasuq, qaarkood waa la xirey, halka qaar kale ay dalka ka baxsadeen.

Horseed Media