Ugu yaraan 73 qof ayaa ku dhintay dab qabsaday dhismo ku yaalla Johannesburg

Published: August 31, 2023

Ugu yaraan 73 qof ayaa ku dhintay dab ka kacay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Dabka ayaa ka kacay habeenkii Khamiista dhismo ka kooban shan dabaq oo ku yaalla magaalada weyn Johannesburg.

Dabkan ayaa bilowdey labadii habeenimo ee Khamiista, sida ay ciidamada samatabixinta u sheegeen warbaahinta Koonfur Afrika. In ka badan 40 qof ayaa sidoo kale ku dhaawacmay, waxaana la xaqiijiyay in dhimashadu ay korortay xilligii subaxnimada Khamiista.

Dad dhaawacyo ka soo gaareen dabka ayaa isla goobta lagu daweeyay, halka qaar kale oo badanna loo qaaday isbitaalka, sida uu sheegay afhayeenka adeegga samatabbixinta Robert Muluadzi.

Goob joogayaal ku sugnaa goobta uu dabku ka kacay ayaa sheegay in laga yaabo in dad gaaraya 200 oo qof ay ku noolaayeen dhismahan oo ku yaala meel cidlo ah oo ka tirsan magaalada ugu weyn Koonfur Afrika .

Dhismuhu waxa uu ahaa “goob dejin aan rasmi ahayn” halkaas oo dadka hoy la’aanta ahi ay gabaad ka dhigtaan iyada oo aan wax heshiis ah lagaaray jirin, sida uu sheegay Mulaudzi.

Horseed Media