Dad ka careysan gubista Kitaabka Qur’aanka Kariimka oo gudaha ugalay safaarada Sweden ee Baqdaad, Ciraaq

Published: July 20, 2023

Dibad-baxayaal ka careysan gubitaanka kitaabka Qur’aanka kariimka ee ka dhacday dalka Sweden ayaa dab qabadsiiyay safaaradda Sweden ee caasimadda Ciraaq.

Dadkan mudahaaradayey oo u badnaa taageerayaasha hogaamiyaha shiicada ee Muqtada Alsadr ayaa gubey qeybo kamid ah safaarada iyagoo halkaasi ka taagay astaamahooda.

Dowlada Ciraaq ayaa cambaareysay falkan iyagoo sheegay in baaritaan lagu sameyn doono dadka falkan ka danbeeyey, xili ay dowlada Sweden ka dalbatay dowlada Ciraaq inay xaqiijiso amaanka Safaaradooda.

War kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibada ee Sweden ayaa lagu sheegay in dhamaan shaqaalaha Safaaradooda ay bad-qabaan, bayaankaasi soo lagu cambaareeyay weerarka.

Dibad-baxayaashu waxay wacad ku mareen inay sii wadi doonaan mudaaharaadyada “haddii markale Kitaabka Qur’aanka Kariimka lagu gubo Sweden”, iyagoona codsaday in dowladda Ciraaq ay si degdeg ah u cayriso diblumaasiyiinta reer Sweden ee ku sugan Ciraaq.

Horseed Media