Dad ku dhintey dibadbaxyada rabshadaha wata ee Kenya

Published: July 12, 2023

Booliska Kenya ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku furay dibad-baxayaal dhegaha ka furaystay mamnuucis ay booliska saareen mudaaharaadyo uu ku baaqay hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, oo ka dhan canshuur kordhin ay sameysya dowladda.

Dukaamada ayaa la xiray, islamarkaana ammaanka ayaa aad loo adkeeyey caasimadda Nairobi, halkaasi oo booliska la geeyey islamarkaana ay sunta dadka ka ilmeysiisa ku fureen dibad-baxayaal dhagxaan turayey, xaafadda isku raranta ee Mathere.

Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa joojiyay isu soo bax uu taageerayaashiisa kula hadli lahaa kaasoo la qorsheeyay in uu ka dhaco garoonka Kamukunji ee mid ka mid ah xaafadaha magaalada Nairobi, isagoo sabab uga dhigay inay kordheen toogashada, weerarrada iyo caga-juglaynta ay booliiska ku hayaan taageerayaashiisa.

Khasaare ayaa laga soo sheegayaa in uu dalka oo dhan ka dhacay kadib mudaaharaadyada ay ku baaqeen mucaaradka iyo bulshada rayidka ah.

Labo qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen dibad baxayaasha oo xoog ku galay saldhigga booliiska kadibna ay gubeen.Nin kale ayaa dhintay kadib markii gaari booliis ah lagu jiiray wadada weyn ee Nairobi ee Mlolongo ee duleedka magaalada.

Horseed Media