Dad shacab ah oo ku dhintay Gaari qarax ku qabsaday wadada Muqdisho iyo Afgooye

Published: October 14, 2022
Shares126

Gaari nooca loo yaqaan Homey oo dad shacab ah ay la socdeen ayaa waxaa Qarax ku haleelay degaanka Xaawa Cabdi ee wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Qaraxa ayaa ahaa miino ay wadada ku aaseen Ururka Al-shabaab, wuxuuna haleelay gaarigaan oo ka yimid Shabeellada Hoose, una socday Muqdisho.

Ugu yaraan shan qof oo dhalaan yar uu ku jiro ayaa ku dhintay Qaraxan sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo gurmad u sameeyay dadkii ku dhaawacmay oo loo soo qaaday magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Horseed Media