Dadkii ugu badnaa ee ka soo baracay abaaraha oo gaaray magaalada Muqdisho

Published: September 2, 2022

Dadkii ugu badnaa ee barakacayaal ah oo ka soo baracay gobollada shabeellooyinka iyo Hiiraan kuwaas oo ka soo hayaamay abaaraha ayaa dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho.

Dadkan soo barakacay ayaa sida ay sheegeen soo galay socod dheer oo ay kala kulmeen dhibaato isugu jira gaajo iyo harraad, ugu dambeyntina si dhib leh ku soo gaaray Muqdisho.

“Gaajo iyo oon ay abaaruhu geysteen ayaan shabeellada hoose uga soo barakacnay waxaanna soo soconnay 20 maalmood si dhib leh ayaan Muqdisho ku soo gaarnay dadka qaarna jidka ayey ku dhimisanayeen oo aan ku soo aaseynay.” ayey tiri Fideey Maxamed Mooge oo barakacayaashaasi ka mid ah.

Dadkaasi soo barakacay oo ka badan 1,000 qoys ayaa ku sugan laba xero oo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *