Dagaal culus oo socda jihooyinka Magaalada Laascaanood

Published: March 31, 2023
Shares8

Dagaal culus ayaa maanta ka socda saddex jiho oo kamid ah kuwa ay isku horfadhiyaan ciidamada Somaliland iyo  kuwa deegaanka ee ku dagaalamaya Laascaanood.

Dagaalkan ayaa la soo weerinayaa in labada dhinac uu ka soo kala gaaray khasaare kala duwan inkastoo aan la xaqiijin karin tirada rasmiga ah.

Dhanka kale dagaalka waxaa barbar socda duqeyn xooggan oo ay Somaliland la beegsaneyso gudaha Laascaanood.

50-kii maalmood ee lasoo dhaafay Somaliland ayaa madaafiicda culus ku ridaysa gudaha magaalada, iyadoo jiidaha ay isku horfadhiyaan ciidamada deegaanka.

Horseed Media