Dagaal ka dhacay xerada qaxootiga Falastiiniyiinta ee Lubnaan

Published: September 10, 2023

Saddex dagaalyahan iyo qof rayid ah ayaa Sabtidii lagu dilay iska horimaad ka dhacay xero ku taal koonfurta Lubnaan, iyadoo Ra’iisul Wasaare Najib Mikati uu ku canaantay madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas rabshadaha sii socda.

Dagaallo soo cusboonaaday ayaa ka dhacay xerada qaxootiga ee Ain al-Helweh oo ku taal duleedka magaalo xeebeedka Sidon, toddobaadyo uun kadib markii rabshado dhimasho iyo dhaawac sababay ay iska horimaad ku dhexmareen xubno ka tirsan dhaqdhaqaaqa Fatax ee Cabaas iyo mintidiinta Islaamiga ah.

Iska horimaadyada kasocda gudaha xerada Sabtidii shalay ayaa waxaa ku dhintay laba qof oo ka tirsan kooxda Fatax iyo mid kamid ah xagjirka, halka qof rayid ah uu ku dhintay rasaas habow ah meel ka baxsan xerada, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Lubnaan (NNA).

“Waxa socdaa haba yaraatee dan uma aha qadiyadda Falastiin, waxayna gef weyn ku tahay dowladda Lubnaan iyo magaalada Sidon, ayuu Raysalwasaare Mikati u sheegay Madaxweynaha Falastiin Cabaas isagoo taleefoon kula hadlay Sabtidii.

Dagaalkan oo kasoo bilowday iska-horimaadyo shan maalmood socday oo billowday dabayaaqadii bishii Luulyo ayaa waxaa ku dhintay 13 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen tobanaan kale. Dagaalkaas ayaa qarxay markii la dilay hogaamiye kamid ah mintidiinta Islaamiga ah, waxaana xigay weerar gaadmo ah oo lagu dilay shan xubnood oo ka tirsan kooxda Fatax oo uu ku jiro hoggaamiye millatari.

Ain al-Helweh ayaa hoy u ah in ka badan 54,000 oo qaxooti diiwaan gashan iyo kumannaan Falastiiniyiin ah oo kasoo qaxay sannadihii u dambeeyay dagaalada Suuriya.

Xeradan oo ah tan ugu weyn ee Lubnaan, waxaa loo sameeyay falastiiniyiintii laga saaray dhulkooda ama ka qaxay dagaalkii 1948-kii, dhismihii dowlada Israa’iil.

Horseed Media