Dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo looga dhawaaqay gobolka Bakool

Published: September 20, 2022

Kulan uu soo qaban-qaabiyay Gudoomiyaha Gobolka Bakool, Maxamed Cabdi Tool, ayna ka qaybgaleen Saraakiisha Guutada 9aad, Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Odayaasha Dhaqanka ee Degmooyinka Xudur, Tiyeeglow & Rabdhuure ayaa lagu qabtay Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Kulanka waxaa looga hadlayay, sidii gobolkaas looga bilaabi lahaa guluf ka dhan ah Ururka Al Shabaab.

Sidoo kale kulanka ayaa laga soo saaray in si degdeg gobolka looga bilaabo dagaalka Al-Shabaab ee ka hawlgala gobolkaasi, iyadoo dagaalka ay door weyn ku yeelanayaan shacabka, oo abaabulkooda iyo isku xirkooduna ay leeyihiin Hoggaanka Dhaqanka.

Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka oo kulanka ka dib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la isku afgartay in si wadajir ah loola dagaalamo Al Shabaab.

Odayaasha Dhaqanka ayaa bidhaamiyay inay safka hore ku wehlin doonaan ciidamada iyo shacabka diyaarka u ah la dagaallanka Ururkaas.

Kulankan ayaa imaanaysa, xilli Gobolada Dhexe ee Soomaaliya ay ka socdaan hawlgalo ka dhan ah Al-Shabaabka.

Horseed Media