Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay deegaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud

Published: June 17, 2022

Dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab ayaa aroornimadii hore ee saakay weerar ku billawday qaraxyo ku qaaday Deegaanka Baxdo ee Bariga Gobolka Galgaduud, waxaana xigay dagaal toos ah, sida ay xaqiijiyeen Dadka Deegaankaasi.

Ciidamada ammaanka ee ku sugan Baxdo ayaa billaabay in ay iska caabiyaan dagaalka uga yimid Al-Shabaab.

Iska hor imaadka waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo intooda badan gaaray dhinacyada dagaalamaya.

Saraakiil katirsan Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka oo kaashanaya Dadka deegaanka in ay iska caabin kala hor tageen dagaalamayaasha Al-Shabaab ee duullaanka ku qaaday Baxdo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *