Dagaal sababay khasaare dhimasho & dhaawac ah oo ka dhacay Muqdisho

Published: September 6, 2022
Shares452

Iska hor imaad khasaare geystay ayaa xalay ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, kaas oo u dhexeeyey ciidamada ammaanka dowladda Somalia iyo rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa ka dhashay, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisiin ay ciidamada ammaanka ku leeyihiin goobta loo yaqaano Cali Agoon oo ka tirsan degmada Heliwaa, waxaana kadib xigtay israsaaseyn toos ah oo dhex-martay labada dhinac.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhintay ugu yaraan 1 qof oo aheyd haweeney caano ku iibineysay goobta, halka ay ku dhaawacmeen haweeney kale iyo ilmo yar.

Maamulka iyo laamaha Amniga degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir ayaan weli ka hadlin weerarkaas, hayeeshee waxaa la sheegay in Ciidamadu ay saakay howlgallo ka wadaan xaafadaha u dhow dhow Saldhigooda la weeraray.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *