Dagaalka ka qarxay Gaza iyo wararkii ugu danbeeyey

Published: October 7, 2023
Shares22

Ugu yaraan 198 qof ayaa lagu dilay 1,610 kalena waa lagu dhaawacay deegaanka Falastiin ee Gaza weerar aargoosi ah oo ay qaaday Israa’iil ka dib weerarkii maanta gelinkii hore ay Xamaas ku qaaday dhulka Israel ka taliso, weerarkaasi oo ahaa dhowr jiho.

Khasaaraha sii kordhaya ee dagaalka maanta oo Sabti ah ayaa yimid kadib markii kooxda Falastiiniyiinta ee maamula Marinka Gaza ay bilaabeen weerarkii ugu ballaarnaa oo ay Israel la beegsadaan muddo sanado ah, iyagoo gudaha u galay deegaano ku yaala koonfurta dhulka Israa’iil maamusho ka dib markii kumanaan gantaalo ah ku tuureen magaalooyinka maamulka Israel.

Weerarkii Xamaas

Ciidamada gurmadka deg degta ah ee Israa’iil, ayaa sheegay in ugu yaraan 70 qof la dilay iyadoo isbitaallada Israa’iil lagu daweynayo boqollaal qof oo dhaawac ah, oo ay ku jiraan daraasiin xaaladoodu halis tahay. Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in tirada hadda ay kor u kacday ugu yaraan 100 qof.

Xamaas waxa ay sheegtay in dagaaladu ay ka socdaan tobanaan goobood oo ku yaala gudaha Israa’iil. Dagaalyahanada Xamaas ayaa gacanta ku dhigay tiro askar Israa’iiliyiin ah oo ay nolol ku qabteen.

Wasiirka Difaaca Israa’iil Yoav Gallant ayaa uga digay Xamaas inay “khalad weyn”, weerarka Xamaas ayaa billowday 6:30 subaxnimo, duulaanka ayaa ku bilowday gantaallo laga soo tuuray meelo badan oo Gaza ka tirsan iyo sidoo kale dagaalyahannada gudaha u galay Israa’iil, iyagoo ka weeraray dhulka, badda iyo cirka.

Mohammed Deif, oo ah taliye sare oo ka tirsan militariga Xamaas, ayaa sheegay in gantaalada ay ku rideen Isra’iil uu ahaa bilowga “Howlgalka Duufaanta Al-Aqsa”, wuxuuna ugu baaqay Falastiiniyiinta meel kasta oo ay joogaan inay la dagaalamaan gumeysiga Israel.

War qoraal ah oo lagu daabacay Telegram app-ka horraantii Sabtidii, Xamaas waxay ugu yeertay “dagaalyahannada ku sugan Daanta Galbeed” iyo sidoo kale “dowladaha Carabta iyo Islaamka” inay ku biiraan dagaalka sii socda.

Saleh al-Arouri, oo ah hogaamiyaha Xamaas ee dibad joogga ah, ayaa sheegay in “Howlgalka Daadka Al-Aqsa” uu jawaab u ahaa “dambiyada Gumeysiga Israel” iyo dagaalyahannada Falastiiniyiinta waxay difaacayaan magaalada la heysto ee Bariga Quddus oo uu ka socdo dhulboobka baaxadaleh ee Israa’iiliyiinta.

Jawaabta Israel

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa bilaabay in ay duqeeyaan goobo ku yaalla Gaza – waxa ay ciidamadu ugu yeereen “Howlgalka Seefta Birta ah” – waxaana askarta Israa’iil ay dagaal dhulka ah ku qaadeen dhowr goobood oo ku xeeran dhulka Falastiin ee Gaza.

Xukuumada Israel ayaa heegan gelisay ciidamadeeda kaydka, iyadoo la filayo inay duulaan balaaran oo dhanka dhulka ah ku qaadi doonto Gaza.

Dagaalkan weyn ee u dhaxeeya ciidamada Israel iyo dagaalyahanada Falastiin ayaa imaanaya ka dib todobaadyo ay isa soo tarayeen xiisadaha ka taagan xuduuda israel ay la wadaagto Gaza, iyo iska hor imaadyo lagu hoobtay oo bilihii lasoo dhaafay ka socday daanta galbeed ee dhulka Israel haysato.

Horseed Media