Dagaalka Magaalada Laascaanood oo galay todobaadkii saddexaad oo xiriir ah

Published: February 22, 2023

Dagaalka Magaalada Laascaanood ee u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ayaa galay todobaadkii saddexaad oo xiriir ah, waxaana weli magaalada ka jirta cabsi ah in uu dagaalka sii socda iyo barakac.

Dagaalka ayaa la sheegay in xoogiisa uu haatan ka socdo duleedka koonfureed ee Laascaanood, halkaas oo ay ku dagaalamayaan labada dhinac.

Sidoo kale dagaalka waxaa barbar socda duqeyn xoogan oo lagu garaacayo goobaha caafimaadka, kuwa ganacsi iyo xaafadaha ay dagan yihiin dadka shacabka ah.

Horseed Media