Dagaalka magaalada Laascaanood oo maalintii saddexaad galay 

Published: February 8, 2023

Dagaal aad u xooggan ayaa maalintii saddexaad ka socda duleedka magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool. 

Dagaalka oo u dhexeeya Ciidamada Somaliland iyo ciidamada difaaca SSC ayaa laysku xubka noocyadiisa kala duwan iyadoo dagaalka xoogiisa uu ka socdo duleedka Magaalada Laascaanood.

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa sheegay in dagaalka sii socon doona inta lagu sheegayo argagixiso. 

“Inta wiilashiinu Laascaanood joogaan argagaxisana aan nagu sheegaysaan wada hadli mayno dagaalkana waan wadaynaa.” Ayuu Garaad jaamac Garaad Ismaaciil.

Horseed Media