Dagaalka Qabow ee Cusub: Tartanka Qaarada Afrika Loo Galay.

Published: July 28, 2022

Hogaamiyayaasha Ruushka, Faransiiska iyo weliba Maraykanka ayaa ku yaacay Afrika si ay taageero ugu helaan mowqifkooda ku aaddan dagaalka Ukraine, waxaana dadka qaarkiis ee arrimahan ka faalooda ku tilmaameen inuu yahay tartankii ugu xoogganaa ee saameyn ku yeelan kara qaaradda Afrika tan iyo dagaalkii qaboobaa.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov iyo madaxweynaha Faransiiska Emanuel Macron ayaa mid walba booqanaya dhowr waddan oo Afrikaan ah toddobaadkan. Samantha Power oo ah madaxa hay’adda horumarinta caalamiga ah ee Maraykanka ayaa todobaadkii hore tagtay Kenya iyo Soomaaliya. Safiirka Maraykanka ee Qaramada Midoobay, Linda Thomas-Greenfield, ayaa tagi doonta Ghana iyo Uganda toddobaadka soo socda.

“Waxay la mid tahay dagaal qabow oo cusub oo ka socda Afrika, halkaas oo dhinacyada iska soo horjeeda ay isku dayayaan inay saameyn ku yeeshaan midkasta,” ayuu yiri William Gumede, oo ah agaasimaha hay’adda Democracy Works Foundation ee fadhigeedu yahay Koonfur Afrika.

Lavrov, ayaa socdaalkiisa uu ku marayo qaarada abaarta iyo gaajadu ku habsatay ee Afrika, wuxuu ka wadaa qorshe ah in uu reer galbeedka ku tilmaamo kuwa shar-wadayaal ah, isaga oo ku eedaynaya kor u kaca qiimaha cuntada, halka madaxda reer galbeedku ay ku eedeeyeen Ruushka in ay cuntadii hub ahaan u adeegsato, isla markaana ay wado dagaal qabsasho u eg Imbradooriyad – kelmado lagu soo jiidanaayo dhageystayaasha Afrika gumeysigii ka dib.

Saamaynta Moscow ee Afrika ayaa soo baxdey bishii Maarso intii lagu jiray codbixintii Qaramada Midoobay ee lagu cambaareeyay duulaanka Ruushka ee Ukraine. In ku dhaw kala bar dalalka Afrika ayaa Ruushka taageeray oo qaraarka ka aamusay.

Sergey Lavrov ayaa toddobaadkan booqday Masar, Kongo, Uganda iyo Itoobiya, isagoo ballan-qaaday saaxiibtinimo wuxuuna ku eedeeyay Maraykanka iyo dalalka Yurub inay kor u qaadeen qiimaha cuntada iyagoo raacaya siyaasado “taxadir la’aan ah”. Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay in ay kaydiyeen cuntada intii lagu jiray masiibada COVID-19, si qiimuhu kor ugu kaco.

“Xaaladda Ukraine waxay si xun u saameysey suuqyada cuntada, laakiin ma aha sababtu hawlgalka gaarka ah ee Ruushku ka wado halkaas, waa falcelinta reer Galbeedka ee cunno-qabateynta Ruushka ay saareen, Lavrov ayaa ka sheegay Addis Ababa, caasimadda Itoobiya.

Lavrov

Qorshaha ugu weyn ee Lavrov iibinaayo ayaa ah in la taageerayo dib u habeynta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si dalalka Afrika loo siiyo kuraas joogto ah iyo saameyn weyn, taas oo dalalka Afrika si weyn u doonayaan, waana qorshe uu Ruushku wadey sanadkii 2018.

Booqashada  Emmanuel Macron

Madaxweynaha Faransiiska oo booqanaya Qaaradan ayaa dhankiisa wada ololaha Ruushka lagu go’doominaayo taageerona looga helaayo Afrika waxaana uu yiri:

“Waxaan halkan idiinka sheegayaa aniga oo ku sugan Afrika, qaarad ay dhibaato ka soo gaartay gumeystaha: Ruushku waa mid ka mid ah gumeystayaashii ugu dambeeyay. Waxay go’aansadeen inay ku duulaan dal jaar ah si ay danaheeda u difaacdo,” ayuu yiri. “Taasi waa xaqiiqda.”

Samantha Power, oo ah sarkaalka ugu sarreeya hay’adda USAID, oo booqatey Bariga Afrika si ay u ballan qaado gargaar gobolka ee ka dhanka ah gaajada iyada oo ay jirto abaar ba’an oo sanado badan soo jiitameysey, muuqaal ay iska soo duubtey waxay canbaareysey Ruushka oo ku eedeysey gaajada Afrika ka jirta.

Qoraal dheer oo ay ku mideysan yihiin dhamaan dalalka Midowga Yurub oo la soo saarey maalintii shalay ee 27 July, ayaa lagu nuuxnuuxsadey in ay Afrika iska fogeyso Ruushka, Midowga Yurubna diyaar u yihiin in ay qaarada maalgashtaan.

Ugu danbeyn waxaa la is weydiinayaa dagaalkan mar kale Afrika lagu soo qaadey ee lagu kala jiidanaayo halka uu saldhigan doono, iyada oo Afrika si wanaagsan u baratey laba wajiilanimada reer Galbeedka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

2 Comments

  1. (Qoraal dheer oo ay ku mideysan yihiin dhamaan dalalka *Midowga Afrika* oo la soo saarey maalintii shalay, ayaa lagu nuuxnuuxsadey in ay Afrika iska fogeyso Ruushka, Midowga Yurubna diyaar u yihiin in ay qaarada maalgashtaan).

    Ma waxaad uga jeedaan *Midowga Yurub*