Dagaalkii Laascaanood oo maalintii lixaad galay, iyadoo aysan dhaqan gelin xabbad-joojintii Somaliland

Published: February 11, 2023

Dagaalka ka Magaalada Laascaanood ee u dhexeeya ciidanka Somaliland iyo dadka deegaanka ayaa galay maalintii lixaad, iyadoo aysan dhaqangelin xabbad-joojin ay xalay ku dhawaaqday Somaliland.

Dagaalka ayaa maanta weli ka socda duleedka magaalada iyadoo la soo sheegayo khasaaro ka dhashay.

Mid kamida dhakhaatiirta isbitaalka Gargaar ee magaalada Laascanood ayaa laguso warramayaa in uu geeriyooday kaddib markii rasaastu ay ugu tagtay isbitaalka isagoo howlo daweyn mutadawac nimo ah ku guda jira.

Goob-joogayaal ku sugan Laascaanood ayaa noo xaqiijiyay in duqaymo xooggan oo aan kala sooc lahayn ku socdaan xaafadaha magaalada.

Dhanka kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa sheegay in xabad joojintii ay xalay ku dhawaaqeen aysan dhanka kale kale addeecin oo saakay ay weerar ku soo qaadeen.

Horseed Media