Dagaalo Ciidamada iyo AlShabaab ku dhexmaray Galgaduud & Sh/Dhexe

Published: July 19, 2023

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa saaka howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Ceel-qurac oo ku yaalla xadka u dhaxeeya Goballada Galguduud iyo Shabeelada dhexe.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-caddaala ayaa sheegay in howlgalka ay Ciidanku ku beegsadeen goob ay isku uruursanayeen Alshabaab.

Al-caddaala ayaa sidoo kale sheegay in ay Ciidamadu howlgalkaasi ku dileen in ka badan 30 ka tirsanaa maleeshiyaadka Alshabaab halkaas ku sugnayd, iyagoo kala wareegeen hub iyo agab kale oo Ciidan.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay dhaq dhaqaaqyo ka waday gobalada Galgaduud iyo Sh/Dhexe, halkaasi oo ay weli ku xoogan yihiin maleeshiyaadka Kooxda Al Shabaab oo iyagu weeraro la beegsanayey saldhigyada ciidamada hawlgalka wada ee ku sugan gobaladaasi.

Horseed Media