Dagaalo xoogan oo ka socda gudaha Gaza

Published: October 31, 2023

Qeybo kamid ah Waqooyiga iyo Bariga Gaza ayaa waxaa ka socda dagaalo fool ka fool ah oo dhexmaray ciidamada Xamaas iyo kuwa Israa’iil.

Dagaalada ugu xoogan ayaa ka dhacay Beytul Xanun, waqooyiga Gaza ayey gudaha u galeen cutubyo ka tirsan ciidamada iyo Taangiyada dagaalka oo isku dayaya inay labo u kala jaraan Marinka Gaza.

Ciidamada Israel ayaa xooga saaraya inay la wareegaan qeybo kamid ah waqooyiga iyo bariga Gaza si ay ugu fududaato inay labo qeybood ugu kala jaraan Waqooyiga iyo Koonfurta Gaza.

Xog badan lagama hayo khasaaraha dagaaladan oo aysan shaacin labada dhinac. War kooban oo kasoo baxay Xamaas ayaa lagu sheegay inay iska difaaceen duulaanka dhulka ee Israel.

Balse waxaa sii kordheysa tirada Shacabka ee ku dhintay duqeynta Israel ay ka wado guud ahaan deegaanada Gaza, tiradaasi oo sare u dhaaftay 8500 qof, halka dhaawaca uu sii marayo in ka badan 20.000 qof.

Horseed Media