Dagaalyahanada Falastiin oo weeraray ciidamada Israel ee ku sugan cisbitaalka al-Shifa

Published: March 31, 2024

Laba kooxood oo Falastiiniyiin ah ayaa sheegay inay beegsadeen ciidamada Israel iyo baabuurta gaashaaman ee go’adoonka geliyey cisbitaalka al-Shifa ee waqooyiga Gaza.

Guutada Shuhadada Al-Aqsa, garabka hubaysan ee Fatax, iyo kooxda al-Qudus oo ka tirsan Islaamig Jihaad ayaa sheegay inay madaafiic ku garaaceen baabuurta Israel iyo askarta ku sugan agagaarka isbitaalka.

Xafiiska warbaahinta Gaza ayaa sheegay in milatariga Israa’iil ay dileen in ka badan 400 oo falastiiniyiin ah ayna burburiyeen 1,050 guri oo ku yaalla agagaarka isbitaalka al-Shifa halkaasi oo ay go’doomiyeen 13kii maalmood ee lasoo dhaafay.

Horseed Media