Dagaalyahano ka tirsan Xisbullah oo lagu dilay duqeyn diyaaradaha Israa’iil ka geysteen Lubnaan

Published: January 21, 2024

Labo ka mid ah dagaalyahannada Xisbullah ayaa la dilay Axaddii kaddib markii diyaarad aan duuliye lahayn oo Israa’iil leedahay ay duqeysay gaari ay saarnaayeen oo marayay koonfurta Lubnaan, sida ay sheegeen laamaha ammaanka.

Darajooyinkooda lama shaacin balse ilo ku dhow kooxda ay Iran taageerto ayaa sheegay inaysan ahayn saraakiil sarsare.

Xisbullah iyo Israel ayaa tan iyo bishii Oktoober is-dhaafsanayey duqeynmo iyadoo kooxdaasi sheegtay inay weeraradooda gacan ku siinayaan Falastiiniyiinta ka dagaalamaya Gaza.

Kooxdan fadhigeedu yahay dalka Lubnaan ayaa ilaa iyo hada 140 kamid ah dagaalyahanadooda lagu dilay duqeynta Israel, sidoo kale ugu yaraan 25 shacab u dhashay Lubnaan ayaa ku dhintay duqeynmahaasi.

Israel ayaa Sabtidii shalay duqeyn la beegsatay caasimada Suuriya ee Dimishiq, duqeyntaasi oo lagu dilay saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada illaalada Jamhuuriga Iran oo ah kuwa gacanta siiya Dowlada Siiriya iyo waliba xoogaga Xisbullah.

Horseed Media