Dalalka Galbeedka Afrika ee ECOWAS oo diiday qorshaha xukuumada KMG ee militariga Niger ee 3da sano ah!

Published: August 22, 2023

Urur goboleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS ayaa diiday soo jeedin ka timid taliska milatariga Niger oo ahaa in doorasho lagu qabto saddex sano gudahooda ka dib afgambigii July, sida uu Isniintii shalay sheegay madaxa ururka ECOWAS.

Guddoomiyaha ECOWAS Abdel-Fatau Musah ayaa isniintii shalay ku dhawaaqay in mawqifka ururka uu yahay mid cad. “Waa in lasiidayaa Bazoum shuruud la’aan, waa in lasoo celiyaa nidaamka dastuuriga ah iyada oo aan dib loo dhigin,” ayuu ku yiri.

Hogaamiyaha Militariga Niger, General Abdourahamane Tiani ayaa sheegay dhamaadka todobaadka in dowlada militariga ee la wareegtay awooda 26-kii July ay bilaabi doonto wadahadal qaran si ay ugala tashato bulshada dib ugu noqoshada dimoqraadiyada “xukunka masii joogi doono wax ka badan seddex sano”, ayuu yiri.

Waxa uu hadlay fiidnimadii Sabtida, ka dib markii wafdi ka socda ECOWAS ay la kulmeen militariga iyo waliba Madaxweynihii la inqilaabay Maxamed Bazoum.

Horseed Media