Dalalka Islaamka & Carabta oo ku baaqay joojinta dagaalka Gaza

Published: November 11, 2023
Shares14

Shirkii wadajirka ahaa ee dalalka Islaamka iyo Jaamacada Carabta oo maanta ka dhacay Riyadh ayaa laga soo saaray Bayaan.

Shirkan ayaa la mideeyey iyadoo markii hore lagu waday inay maanta kulmaan dalalka Carabta berri Axaddana kulmaan dalalka Islaamka.

Go’aankan ayaa saacadihii danbe yimid kadib markii ay soo baxday dalalka Carabta inay isku raaci waayeen hal go’aan.

Qaar kamid ah dalalka Carabta ayaa soo jeediyey in dhamaan xiriirka loo jaro Israel, isla markaana cunaqabateyn lagu soo rogo Israel.

Qaar kamid ah dalalka Carabta sida, Masar iyo Jordan oo xaduud laleh Israel ayaa weli xiriir laleh maamulkaas.

Shirkii wadajirka ahaa ee maanta dalalka Islaamka iyo Carabta ayaa laga soo saaray Bayaan.

Bayaankan ayaa waxa ugu muhiimsanaa 5 qodob oo kala ah:

1- In si deg deg ah loo Joojiyo dagaalka Gaza.
2- In Gargaarka si deg deg ah loo fasaxo
3- In Baaritaan caalami ah lagu sameeyo danbiyada dagaala ee Israel
4- In la bilaabo Tubta dhismaha Wadana badax banaan ee Falastiin
5- In aan wax hub ah laga iibin Israel – Qodobkan oo ku socda shirkadaha Turkida.

Dalalka Sacuudiga, Turkiga, Qatar, Indonesia, Masar iyo Jordan ayaa la sheegay inay baaqan uga ololeyn doonaan saxiibadooda Beesha Caalamka.

Horseed Media