Deg-deg: ‘Cabdullaahi Sanbaloolshe’ oo loo magacaabey Agaasimaha hay’adda NISA

Published: April 4, 2024
Shares10

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) ayaa loo magacaabey Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda Qaranka ee NISA, magacaabiddan ayaa noqoneysa markii saddexaad oo uu xilkaas qabto tan iyo sanadkii 2013.

Magacaabista Sanbalooshe ayaa timid kadib markii uu xilka iska casiley Mahad Salaad Maxamed oo Madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabey xilka 26 May 2022, toban maalmood kadib doorashadii Madaxweynaha, waxaana uu ahaa siyaasiyiinta sida weyn ugu dhaw Madaxweyne Xasan Sheekh.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddaabadlaha ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in uu noqdo Mudane C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

War ka soo baxay xafiiska raysalwasaare Xamse Cabdi Barre kadib magacaabista Cabdullaahi Sanbalooshe ayaa lagu yiri

“….Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali, ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo dhowr jeer oo hore soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan ,Danjire iyo Agaasimaha Hey’adda NISA oo uu noqonayo markii saddexaad….”

Golaha wasiirada ayaa uga mahadceliyey Agaasimihii hore ee hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad muddadii uu xilka hayey shaqadii uu Qaranka u soo qabtay.

Cabdullaahi Maxamed Cali Agaasimaha cusub ee NISA ayaa hadda ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuryadda federaalka Soomaaliya.

HORSEEDMEDIA