Degmada Badhan oo yeelatey maamulkii u horeeyey ee shacabku soo doortey

Published: August 30, 2023

Waxaa maanta si rasmi ah loo daahfurey fariisinta goloyaasha deegaanka ee la doortey 25 May 2023. Degmada badhan ee gobolka Sanaag ayaa nasiib u yeelatey in lagu bilaabo dhismaha maamulada la doortey.

Wasiirka Wasaradda Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Siciid (Juxaa) ayaa ka daahfurey degmada Badhan fariisinta xildhibanada, Waxaa munaasabadda ka soo qay galayAfhayeenka Golaha wakiilada ee Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Xildhibaano, wasiiro iyo wufuud kale oo ka socda hay’adaha madaxa banaan.

33 Xildhibaan oo bulshadu soo dooratey oo kal kala socdey ilaa afar xisbi Kaah, Mideeye, Sincad iyo Ifiye ayaa lagu dhaariyey maanta munaasabadda daahfurka fariisinta xildhibaanada goloyaasha deegaanka.

Xisbiga KAAH ee uu hoggaamiye Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo ahystey aqlabiyadda ayaa qaatey guddoomiyaha iyo ku xigeenka. Waxaa Guddoomiye loo doortey Xil Cawil Cali Xiirey, halka guddoomiye kuxigeenka loo doortey Marwo Xil. Xaawo Cadbulqaadir Maxamed.

Cawil Cali Xiirey iyo Xaawo Cabdulaadir Axmed maamulka cusub ee Badhan

Sidaas waxay Badhan ku heshey mamaulkii u horeeyey ee shacabku soo doortey.

Waxaa lagu wadaa maalinta Salaasada ee todobaadka danbe kuna beegan 05/09/2023 in la wada fariisyo 29 degmo ee harsan oo ay doortaan maamuladoodi, waxaa dhici karta in la kala hormariyo o degmooyinka kale ee aqlabiyadda ah la soo hormariyo.

Doorashada goloyaasha deegaanka ayaan ka dhicin saddexda degmo ee garoowe Dangoroayo iyo Godob jiiraan, waxaana ay u dhici waayeen khilaaf siyaasadeed.

Horseed Media