Denmark iyo Holland oo diyaaradaha dagaalka ee F-16 ugu deeqay Ukraine

Published: August 21, 2023
Shares44

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky oo Axadii booqasho ku tagay dalalka Denmark iyo Netherlands ayaa ku tilmaamay mid taariikhi ah go’aanka ay labada dal ku wareejiyeen diyaaradaha F-16 ee ka caawinaya Ukraine la dagaalanka duulaanka Ruushka.

Isagoo ka hadlayay saldhig ciidamada cirka Holland ku leeyihiin Eindhoven, halkaas oo isaga iyo Ra’iisul wasaaraha Holland Mark Rutte ay kormeereen diyaaradaha F-16, Zelensky wuxuu sheegay in go’aanka uu ahaa “mid taariikhi ah oo na dhiirigelinaya Ukraine”.

Jimcihii, Holland iyo Denmark waxay sheegeen in Maraykanku u oggolaaday inay diyaaradaha F-16 ee Maraykanku sameeyo ku wareejin karaan dalka Ukraine. Oggolaanshaha Washington ayaa loo arkayay inay tahay mid xoojinaysa Kyiv, in kasta oo diyaaradahan la rajeenayo inay hawlgalaan 18 bilood kadib.

Ukraine ayaa muddo dheer ka codsaneysay NATO diyaaradahan si ay u adkeyso difaaceeda cirka. Waxay dhawaan qaaday weerar rogaal celis ah oo muddo dheer la sugayay oo ka dhan ah ciidamada Ruush-ka.

Dowladaha Holland iyo Denmark ayaa sidoo kale ku lug leh isbaheysi ka shaqeynaya sidii ay u tababari lahaayeen duuliyayaasha Ukraine si ay u duuliyaan diyaaradahan casriga ah.

Horseed Media