DFS oo ka Tacsiyeysay geerida Taliyihii Ciidanka Difaaca Kenya

Published: April 18, 2024

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dowlada iyo Shacbka dalka Kenya kaga Tacsiyeeyay geerida ku timid Jeneraalka Francis Omondi Ogolla, Taliyihii Ciidanka Difaaca Kenya oo khamiistii shalay ku dhintay shil diyaarad.

Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefoonka kula xiriiray Madaxweyne William Ruto ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska General Francis Omondi Ogolla, Taliyaha Ciidanka Difaaca Kenya iyo askartii kale ee ku geeriyootay shil diyaarad. Madaxweynaha ayaa ku celiyay taageerada iyo garab istaagga Soomaaliya ay la garab taagan tahay shacabka Kenya xilligan adag.