DFS oo war ka soo saaray weerar dad badan lagu laayey oo ka dhacay gobolka Hiiraan

Published: September 3, 2022

Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay weerar xoogan oo ay saaka aroor hore kooxda Al-Shabaab ka geysatay duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay aad uga xun tahay weerarkaasi oo lagu laayey ku dhowaad 20 qof, ayadoo sidoo kale la gubay 7 gaari oo ay saarnaayeen dadkaas.

Sidoo kale Dowladda ayaa sheegtay inay xanuunka la qabysanayso dadka rayidka ah ee dhibaatadu soo gaartay, kuwaasi oo la sheegay dab la qabadsiiyay guryo iyo raashin u rarnaa Ganacsadada degaanadaasi.

Ugu dambeyn Dowladda Soomaaliya ayaa wacad ku martay inay sii wadi doonto dhaq-dhaqaaqyada kooxda Al-Shabaab looga xoreynayo dalka oo dhan, si looga hortego weerarada xoogan ee ay inta badan kooxda ka fuliso gudaha waddanka Soomaaliya.

Weerarka Al-Shabaab ay maanta ka geysatay Hiiraan ayaa saameyn ku yeeshay dadka deegaanka, waxaana go’an isgaarsiinta, ayada oona xaaladdu ay aad u cakiran tahay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *