Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga MBS ayaa sheegay in ay isu soo dhawaadeen Israil.

Published: September 21, 2023

Wareysi uu siiyay telefishinka Mareykanka ee Fox, Amiirka dhaxal sugaha ah ee Boqortooyada Sucuudi Caraabiya Maxamed bin Salamaan ayaa sheegay in xiriirka Israil iyo iyaga in caadi laga dhigo ay soo marba marka ka danbeysa soo dhawaaneysey.

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Maxamed Bin Salmaan (MBS) ayaa sheegay in dalkiisa uu si joogto ah ugu sii dhowaanayo inuu caadi ka dhigo xiriirka uu la leeyahay Israa’iil, kaddib tallaabadii ay qaadeen dalalka kale ee Khaliijka, laakiin qaddiyadda Falastiin ay tahay mid weli taagan oo muhim u ah. Heshiis dhexmara Sucuudiga iyo Israil waxaa si weyn dabada uga riixaya Maraykanka.

“Maalin walba, waan isu soo dhawaaneynaa,” ayuu Amiirka dhaxalsugaha ah u sheegay warbaahinta Mareykanka ee Fox News, sida laga soo xigtay qayb ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters wareysiga oo la qorsheeyay in la sii daayo Arbacada soo socota ee 27 September 2023.

Wareysiga lala yeeshay dhaxal sugaha, oo si weyn loogu yaqaanay MBS, ayaa yimid iyadoo maamulka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu horay u sii wado dadaallo lagu doonayo in lagu dhexdhexaadiyo xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya labada awoodood ee gobolka, xulafada ugu sareysa Washington ee Bariga Dhexe.

Baahinta hadalka amiirka dhaxalsugaha ah ayaa daba socda kulan dhexmaray Biden iyo ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu Arbacadii, kaasoo ay ku ballan qaadeen inay ka wada shaqeyn doonaan sidii Israa’iil iyo Sucuudiga ay caadi uga dhigi lahaayeen xiriirkooda, taasoo dib u qaabayn karta juqraafiyeedka Bariga Dhexe.

Marka laga yimaado qaddiyada Falastiin o la aaminsan yahay in SUcuudigu ku gorgortamaayo ayaa waxaa u weheliso in loo oggolaado in ay helaan, Nukliyerka rayidka ah ee loo isticmaalo tamarta, kaas ayaana ah udub dhexaadka dooda Sucuudiga.

Horseed Media