Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay diyaarado gargaar ku daadiyey Marinka Gaza

Published: March 8, 2024

Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhimatay kuwa kalena waa ku dhaawacmeen sanaadiiq gargaar ah oo hawada Gaza lagu daadiyey, kadib markii cilad ku timid baarashuudkii sanaadiikhda oo furmi waayey dushana uga dhacay shacabkii sugayey gargaarka cuntada.

“Diyaaraduhu waxay soo tuureen tiro badan oo sanduuqyo gargaar ah, laakiin baarashuudka qaarkood si sax ah uma furmin, taasoo keentay inay si xaawaare sare ah dusha uga dhaceen Falastiiniyiintii sugayay gargaarka.” ayuu yiri mid kamid ah goobjoogayaasha.

Goobjoogaha ayaa sheegay in sanaadiiqda ay ku soo dhaceen waqooyiga xerada al-Shati iyo wadada Al-Jalaa ee waqooyiga magaalada Gaza.

In ka badan hal toddobaad, dalalka Carabta, sida: Masar, Imaaraadka Carabta, Jordan, Qatar, Cumaan iyo Baxrayn waxay wadeen inay si wadajir ah u fuliyaan hawlgallada gargaarka cuntada ee hawada looga daadinayey Marinka Gaza, sidoo kale Maraykanka ayaa gargaarka kaas lamid ah ku daadiyey deegaankaasi ay go’adoonka gelisay Israel.

Horseed Media