Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay madaafiic uu Turkiga ku garaacay dalka Ciraaq

Published: July 21, 2022

Sagaal qof oo rayid ah oo ay ku jiraan labo caruur ah ayaa ku dhintay, 33 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar Turkiga ku qaaday gobolka Dohuk ee waqooyiga Ciraaq, sida ay saraakiishu sheegeen.

Telefiishanka Ciraaq ayaa sheegay in duqeymo culus lagu garaacay goob loo dalxiis tago oo ku taal magaalada Zakho, oo dhacda xadka gobolka Kurdistan ee Ciraaq iyo Turkiga. 

Wakaalada wararka ee dalkaasi ayaa sheegtay in dhamaan dadka dhintay ay ahaayeen dalxiisayaal.

Saraakiisha Ciraaq ayaa ku eedeeyay Turkiga inuu ka dambeeyay weerarka, balse Ankara ayaa beenisay inay mas’uul ka tahay dhacdada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *