Dhul-gariir xoogleh oo ka dhacay Nepal

Published: November 4, 2023

Waxaa sii kordheysa tirada dadka ku dhintay dhul-gariir xoogleh oo xalay saqdii-dhexe ka dhacay dalka Nepal.

Illaa iyo hada inta la xaqiijiyey tirada dhimashada ayaa gaareysa 150, waxaana la filayaa inay sare usii kacdo.

Degmada Jajarkot oo ah halka burburka xoogiisa uu ka dhacay ayaa waxa weli ka go’an isgaarsiinta.

Dhulgariirkan oo awoodiisa lagu sheegay 6.4 ayaa ah kii ugu xoog-badnaa ee dalkaasi ka dhaca tan iyo sanadkii 2015.

Dhulgariirka ayaa xataa laga dareemay caasimada dalka ay jaarka yihiin ee New Dehli oo 500km u jirta goobta uu dhulgariirka ka dhacay.

Horseed Media