Dhulgariir ka dhacay dalka Maraykanka

Published: April 6, 2024

Dhulgariir ku dhuftay inta u dhaxaysa New York iyo Philadelphia, ayaa ruxay daaraha dhaadheer iyo xaafado ku yaalla waqooyi bari ee Maraykanka, subaxnimadii jimcaha, wax khasaare ah oo uu gaystay ma jiro, balse waxa ay argagax galisay malaayiinta ku nool deegaankaasi oo aan looga baran dhul-gariirradan.

Dhulgariirkan oo cabirkiisa lagu qiyaasay 4.8 ayaa si weyn looga dareemay magaalooyinka New York, New Jersey iyo Philly.

Hay’ada qaabilsan dhulgariirka ee USGS ayaa ka warbixisay dhulgariirkan oo 10:23 subaxnimo dhacay oo xuduntiisa ahayd deegaan New Jersey, 45 mayl galbeedka magaalada New York iyo 50 mayl waqooyiga magaalada Philadelphia.

Saraakiisha bartamaha New Jersey ee magaalada Tewksbury ayaa soo sheegay labo dhulgariir oo kale, ayuu yiri Brayden Fahey, madaxa badbaadada dadweynaha iyo maareynta xaaladaha degdegga ah ee Degmada Hunterdon.

Dhulgariirka ayaa si ba’an u waxyeeleeyay guryo kala duwan oo ku yaal xaafad ku taal Newark, magaalada ugu weyn ee gobalka New Jersey, taasoo sababtay daadgureynta shacabka halkaasi degganaa. Balse lama soo sheegin wax dhaawac ah.

Dhul-gariirku waxa uu hakiyay isu socodkii magaalooyinka saaran Xeebta Bari, iyadoo duulimaadyadii qaar la leexiyay, isu socodkii waddooyinka iyo tareennada ayaa la joojiyey si loo kormeero buundooyinka iyo wadooyinka dhulka hoos mara.

Horseed Media