Dhulgariir xoog leh oo ku dhuftay Filibiin iyo digniinta tsunami

Published: December 2, 2023
Shares62

Dhulgariir cabirkiisa lagu qiyaasay 7.6 ayaa ku dhuftay koonfurta dalka Filibiin, waxaana laga digay duufaanta tsunami.

Dhulgariirkan oo cabirkiisu ahaa 7.6 ayaa Sabtidii ka dhacay xeebta jasiiradda Mindanao ee koonfurta Filibiin.

Dhulgariirka ayaa dhacay caawa 10:37 habeenimo waqtiga maxaliga ah. Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay khasaaraha ka dhashay.

Xarunta Digniinta Tsunami ee Baasifiga ayaa sheegtay iyadoo ku saleysan baaxadda iyo goobta ay fileyso in mowjadaha badda ee tsunami ay ku dhuftaan koonfurta Filibiin iyo qeybo kamid ah Indonesia, Palau iyo Malaysia.

Horseed Media