Dib usoo noqoshada Cameron iyo Fashilka Xukuumada UK

Published: November 14, 2023
Shares32

Raysalwasaarihii hore ee UK David Cameron ayaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibada, xili xukuumada Raysalwasaare Sunak cadaadis saaran yahay.

David Cameron oo markale xukuumada kusoo noqday ayaa muddo 7 sano ka maqnaa siyaasada Ingiriiska. Kadib markii looga guuleystay ololihii Brexit.

Raysalwasaaraha UK, Rishi Sunak ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Arrimaha Gudaha Suella Braverman oo kamid ah xagjirka midigta fog.

Ms.Braverman ayaa qoraal ay jaraa’idka ku qortay ku eedaysay shacabka ka qeyb qaatay banaanbaxyada lagu taageerayo Falastiin.

Sabtidii lasoo dhaafay ayuu magaalada London ka dhacay banaanbixii ugu weynaa oo lagu taageerayey Falastiin oo ay ka qeyb galeen in ku dhaw 1 milyan oo qof.

Xisbiga talada haya ayaan hada heysan inta badan taageerada shacabka. Taasi oo la filayo inay u keento jab weyn doorashada soo-socota.

Magacaabida Cameron ayaa sidoo kale muujineysa in Raysalwasaare Sunak uu waayey siyaasi culus oo uu xilkaa u magacaabo.

Dhamaan siyaasiyiinta kamid ah xisbiga Sunak ee rajada ka qaba siyaasada dalkaasi ayaa hada ka war-wareegaya inay xukuumadan xil ka qabtaan.

Horseed Media