Dibad baxayaal taageersan afgambigii Niger ayaa ku baaqey in Faransiisku dalkooda uga baxo

Published: September 3, 2023

Dibad-baxayaasha ayaa isugu soo baxay bannaanka hore ee saldhigga milateri ee Faransiiska, iyagoo ugu baaqaya safiirka iyo ilaa 1,500 oo askari inay isaga baxaan dalkooda.

Kumanaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay caasimadda dalka Niger ee Niamey, iyagoo dalbanaya in Faransiiska uu kala soo baxo safiirkooda iyo ciidamadooda ka jooga dalka galbeedka Afrika ku yaalla, dibadbaxan ayaa imaanaya iyadoo madaxda cusub ee milateriga ay ku eedeeyeen gumeystihii hore ee dalkaas “faragelin”.

Dibad-baxayaasha ayaa isugu soo baxay meel u dhow xero ciidan oo ay degan yihiin askarta Faransiiska maalintii sabtida ka dib markii ay baaq u direen dhowr urur oo rayid ah oo ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada Faransiiska. Waxay kor u qaadayeen boorar ay ku qoran tahay, “Ciidanka Faransiiska, ka bax dalkayaga.”

Dowladda militariga ee Niger, oo xukunka la wareegtay 26-kii July, ayaa ku eedeysay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron inuu adeegsaday hadallo kala qeybin ah, isla markaana uu doonayay inuu xiriir cusub oo gumeysi ah la yeesho dalkii ay horay u gumeysan jireen.

Macron ayaa taageeray madaxweynihii xilka laga tuuray ee Mohamed Bazoum, wuxuuna diiday inuu aqoonsado madaxda cusub ee Niger. Sylvain Itte, safiirka Faransiiska, ayaa diidey in uu ka baxo Niger, in kasta oo 48-saacadood ee kama dambaysta ah ee uu dalka kaga baxayo la siiyay toddobaad ka hor, go’aanka.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in laga yaabo in Faransiisku uusan ka bixin Niger, tan iyo markii uu si khasab ah uga baxay dalalka ay deriska yihiin ee Mali iyo Burkina Faso kadib afgambigii militari ee halkaasi ka dhacay.

Dalalka faransiisku guumeysan jirey ee Afrikada Galbeed waxaa aad ugu xoogeysanaya nacayba loo qabo Faransiiska.

Hanad Askar
Horseed Media