Diiwaan galinta Ergada doorashada Gollaha Shacabka ee gobalada Waqooyi oo bilaabatay

Published: October 30, 2021

Guddiga Maamulka Doorashada Kuraasta gobolada waqooyi Somaliland (SEIT) ayaa wada Diiwaangelinta ergooyinka kuraasta Gollaha Shacabka ee tirsigoodu yahay HOP#239 iyo HOP#237, Diiwaangelinta ayaa si habsamiya uga socota xarunta Guddiga Villa Rosa ee magaalada Muqdisho, iyada oo ay barbar socoto qabashada Codsiyada musharixiinta u tartamaya hanashada kuraasta kor ku xusan.

Sida ku cad jadwalka maalinta beri oo Axad ah, ayaa Ergooyinka Codeynaya waxa la siin doona tababarka.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, ayaa ku sugan xarunta Lagu diiwan galinayo ergooyinka yo musharixiinta,  iyaga oo xaqiijinaya dhamaan hanaanka iyo Habraacyada Doorashada Gollaha Shacabka ee gobalada Waqooyi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *