Diyaarad militariga Mareykanka leeyahay oo ku burburtay Australia

Published: August 27, 2023

Hawlgal gurmad ah ayaa socda ka dib markii diyaarad milatari oo Maraykanku leeyahay ay ku burburtay waqooyiga xeebaha Australia, diyaaradan ayey saarnaayeen 20 askari oo Marines ah, shilkan ayuu Ra’iisul Wasaaraha Australia Anthony Albanese ku tilmaamay ” dhacdo naxdin leh”.

Dhowr qof ayaa la badbaadiyay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Australian Broadcasting Corporation (ABC), ka dib markii diyaaradda Osprey V-22 ay ku soo dhacday meel u dhow jasiiradda Melville oo qiyaastii 60km (37 mayl) u jirta magaalada Darwin maanta oo Axad ah.

Wasaaradda difaaca ee Australia ayaa sheegtay in shilkan uu dhacay intii lagu guda jiray dhoolatuska Predator Run ee sanadlaha ah oo ay ka qeyb qaadanayaan militariga Australia, Mareykanka, East Timor, Indonesia iyo Filibiin.

Maraykanka iyo Australia, oo ah xulafada muhiimka ah ee Baasifiga, ayaa sare u qaadayay iskaashiga milatari sannadihii u dambeeyay si ay uga gaashaantaan koboca cududa militari ee Shiinaha.

Horseed Media