Diyaaradaha Drone-ka Ukraine oo weeraray saldhiga ciidamada cirka ee Ruushka

Published: March 20, 2024

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine oo ay maamusho hay’adda sirdoonka milateriga ee GUR ayaa subaxnimadii Arbacada weerar ku qaaday saldhigga ciidamada cirka ee Engels oo ku yaalla gudaha dhulka Ruushka.

Badhasaabka gobolka Saratov oo saldhigan ku yaallo ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine lagu soo riday meel u dhow magaalada Engels, balse ma uusan sheegin wax khasaare ah.

Saldhiggu waa hoyga ugu weyn ee diyaaradaha istiraatijiyadeed ee Ruushka ee riddada dheer wuxuuna ku yaal meel u dhow magaalada Saratov – oo qiyaastii 730 kiiloomitir (450 mayl) koonfur bari ka xigta Moscow oo boqollaal kiiloomitir u jirta xudduudda Ukraine.

Horseed Media