Diyaaradaha Drone oo lagu weeraray Moscow iyo kaydka hubka Ruushka ee Crimea

Published: July 24, 2023
Shares14

Ciidamada Difaaca Cirka ee Ruushka ayaa “xakameeyay” weerar diyaarad aan duuliye lahayn oo Ukraine ay ku qaadday Moscow, wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sidaa shaacisay, iyadoo ku eedaysay Ukraine inay bilowday “ficil argagixiso” oo ka dhan ah caasimadda Ruushka.

Weerarkan oo dhacay subaxnimadii Isniinta ayaa yimid maalin kadib markii Ukraine ay wacad ku martay inay “ka aargoosan doonto” weerarkii gantaalaha ee Ruushka uu ku qaaday dekedda Odesa ee Badda Madow.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Jasiirada Ruushka maamulo ee Crimea ayaa sheegay in Ukraine ay diyaaradaha Drone-ka oo gaaraya 17 ay ku weerartay kaydka hubka Ruushka ee Jasiiradaasi, iyadoo aan weli faah faahin laga bixin khasaaraha duqeyntaasi.

Horseed Media